Saraakiil katirsan Maamulka suufiyiinta oo sheegay in galabta ay la wareegeen gacan ku hmagaalada Baladweyneaynta qeybo kamid ah .
Saraakiil katirsan Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa ay sheegeen in ay galabta ay la wareegeen gacan ku haynta qeybo kamid ah magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Kadib markii dagaalo xoogan ay saakay ka dhaceen qeybo kamid ah magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaa waxaa gelinkii danbe ee maanta dhanka Bari ee magaalada Baladweyne la wareegay Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.
Aadan C/lle Cawaale oo ah Sarkaalka hogaaminaya Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljaamaca ee dagaalka ku soo qaaday magaalada Baladweye ayaa Shabelle waxa uu u sheegay in gacan ku haynta inta badan magaalada Baladweyne ay kala wareegeen Ciidamada Ururka Xisbul Islaam oo maanta dagaalo xoogan ay la galeen sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale wararka Caawa ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada ay wali kacsantahay iyadoona sida uu soo sheegayo Weriyaha Idaacada Shabelle ee gobolka Hiiraan mararka qaarkii la maqlayo dhawaqa rasaasta fudud iyo mid culus oo si teel teel ah u dhacaysa.
Arintani ayaa waxa ay imaanaysaa xilli aroornimadii hore ee Saakay ilaa iyo gelinkii danbe ee maanta dagaalo xoogan ay ka dhaceen qeybo kamid ah magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiran kuwaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo waliba kuwa Ururka Xisbul Islaam ee dhawaanahan halkaasi maamulayay
Ka Dhageyso Halkan Hadaladi Uu Ka Jeediyay Magaalada Kismaayo Gacmadheere (wasiirka Arimaha gudaha) iyo Soo Dhaweynta wafidiga
(26/04/07
Mala gaaleysiin karaa qof muslim ah Dhageyso: Sheekh Max´med Cabdi Umal Oo Naga Jaahil Bixiya Arinkaas Isaga Ah
16/04/07
dhagayso qudbadii Cade Muuse Ee Canshuuraha DFS/ P/land (12/04/07
dhagayso qudbadii geedi uu ujeedieyey ciidamada booliska ee carmo