Wasiirka Maaliyadda DFKS oo loolan ugu jira Jagada Ra’isulwasaaraha.
Waxaa dhici karta akhristow in aad la yaabto cinwaanka maqaalka, laakiin ma ahan mid aad la yaabto bulshada waxaa ka mid ah dad ku fekera wax weyn isla markaasna gaara, waxaa ka mid ah qaar aan hawl badan u marin in ay gaaraan meel aad u sareysa, halka dadka qaarkiis ay ku qaadato waqti dheer oo hawl iyo shiddo wata, tusaale waxaa kuu ah Madaxweynaha talada haya Shiikh Shariif, nasiibka iyo orodkuna ma sina.
Inta aynaan u gelin dulucda sheekada waxaa muhim ah in aan dulmar ku samayno sheeko lawada ogsoon yahay taas oo ah Wasiirka Maaliyadda Shariif Xassan Shiikh Adam iyo sooyaalkiisa siyaasadeed
Shariif Xassan ayaa ahaan jirey Ganacsade degen dalka Kenya waxaa uu ka ganacsan jirey Qaadka miiraaga, Saamaha iyo Hargaha, waxaana uu fadhi kulahaa dalka Kenya. Wasiirka Maaliyadda Shariif Xassan waxaa masraxa siyaasadda lagu arkey bishii July sanadkii 2004 markaas oo uu u sharaxnaa jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaa uu doorasho kaga guuleystey Shiikh Adan Madoobe, waxaana uu noqdey caqabad hortaagan Dawladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yusuf muddo 16 bilood ah.
Bilowgii sanadkii 2006 ayuu Shariifku si dhuumaaleysi ah ku tegay dalka Yemen isaga oo ka soo tegey dhamaan saaxbadiis ay ku mideysnaayeen qorshihii gaw iyo gash maleh, waxaana uu kulan halkaas kula qaatey Madaxweynihii Dawladda Federaalka Cabdullaahi Yusuf, xubin ka agdhaweyd Madaxweynihii markaas ayaa isla sanadkaas ii sheegay in Shariifku arintaas u sameeyay kadib markii uu helay balan qaad lacageed, iyo in isku shaandheyn lagu samaynaayo Golaha Wasiirada isla markaasna la soo dhisi doono Raysalwasaare lagala tashaday isaga Golaha wasiiradana uu wax ka soo dhisi doono, taas oo dawladdii loogu raray Magaalada Baydhabo, dhamaan xildhibaanadii Dawladda marka laga reebo Hogaamiye kooxeedyadii hubeysnaa.
Hawga Karantiyo hilaacyada Bari iskuma heshide miduun ku hagaag miduun ku haldhabo
Waxay giraantu wareegtaba lagama joogin heshiiskii Yemen ee dhexmaray Cabdullaahi Yusuf iyo Shariif Xassan 6 bilood waxaa guulo la taaban karo gaarey Maxkamadihii Islaamiga ahaa waxaa nabad laga dhigey Muqdisho, waxaana shariifka uu hilaac uga baxay Muqdisho, halkaasna looga sacabo tumey.
Bishii September 18keedi Baarlamaanka Dawladda Federaalka ayaa u fariistey arin muhim ah in codka kalsoonida loo qaado Dawladdii Prof.Cali Maxamed Geedi waxaana dhacay markii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ka soo baxay baarlamaanka in qarax aad u xoogbadan lagula beegsadey banaanka Baarlamaanka, waxaana ku dhintey xubno badan oo kamid ah ilaaladiisa iyo nin la dhashey Madaxweynaha.
Qaraxu markii uu dhacay Guddoonka baarlamaanku waxa uu ku adkeystey in shirkii loo fadhiyey ee Baarlamaanka sii socdo iyada oo dhiigu qul qulaayo baarlamaanka hortiisa, waxaana uu quud daraynaayey in Dawladda Prof.Cali Geedi waayi doonto kalsoonida taas oo aan dhicin.
Qaraxii Madaxweyne Cabdullaahi ka badbaadey muddo yar kadib waxaa Shariifku u diga rogtey in uu tago Muqdisho heshiis keligiis ahna la saxiixdo maxaakiimta waxaana, halkaas mar kale ka bilaamay khilaaf, Shariifku kuma negaan Muqdisho kadib markii ay u cadaatay in waddanka ay soo buux dhaafiyeen ciidamo Itoobiyaan ah ayuu u baxsadey wadamada deriska ah, waxaana xilkii Gudoomiayaha loo doortey Shiikh Adan Madoobe bilowgii sanadkii 2007.
Muhimada hordhacan ayaa ah in Shariif Xassan uu ahaa nin katalabaayey shaqada uu hayo ee ah afhayeenka Baarlamaanka, waxaana uu markasta shukaanta ku qabsanaayey Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha, isaga oo doonaayey in uu heshiisyada caalamiga ah soo galo, safarada dibadda ka qayb galo, halka shaqadiisu ahayd in uu guddoomiyo shirarka Baarlamaanka.
Shariif Xassan oo loo malaynaayey in uu isaga dhacay jaranjarada Siyaasadda ayaa ka soo muuqdey Masraxa mucaaradka mar kale isaga oo ku biirey kooxihii Islaamiyiinta ahaa ee shirka ku qabsadey dalka Ereteriya, waxaana uu faraqa ku xirtey Shariif Shiikh Axmed, waxaana uu gaarey heer uu ka qaybgalo shir looga hadlaayey arimaha Soomaaliya oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobey, isaga oo la baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka xorta ah!.
Shariif Shiikh Axmed ayaa habeenkii loo doortey Madaxweynaha waxa uu mahad gaar ah u celiyey Raysalwasaarihii hore Nuur Cadde, sidoo kale waxa uu u mahad celiyey ninkii kula tartamay wareegii u danbeeyey ee Maslax Siyaad Barre, waxaana uu ugu danbeyntii sheegey in uu u mahad celinaayo Shariif Xassan Shiikh Adan taas oo markiiba dadbadan is weydiiyeen laakiin waxaa jawaabtii baxshey Madaxweynaha oo meeshaas ka sheegay in Shariifku tanaasuley sidaasna uu ku mudan yahay mahadin uuna yahay nin guuleystey.
Shirkii Jabuuti ayaa qorshaha u dejisnaa kooxda Asamara ay ahayd in doorasho loo sameeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha labadaas boos waxaa kala raadinaayey labada Shariif, beesha caalamka ayaase cadaadis ku saartey in ay iska ilaawaan booska Guddoonka Baarlmaanka, si dib u heshiisiin loo gaaro.
Shariif Axmed ayaa ka siiyey dawladiisi Wasiirka Maaliyadda Shariif Xassan Sh.Adan boos aad u culus kaas oo ah wasiirka Maaliyadda taas oo dad badan ka yaabisey maadaama aqoonta Shariifku aysan gaarsiisneyn heer jamaacadeed sida uu u wadi karo hawsha wasaaradda Maaliyadda, Laakiin Shariifka ayaa muujiyey in hankiisu halkaas ka sareeyo isla markaasna uu hogaamin karo xukuumadda oo dhan.
Doonida Raysalwasaaraha
Warar lagu kalsoonaan karo oo Horseed Media ay ka heshey ilo ku dhaw Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Shariif Xassan Shiikh Adan ayaa tibaaxay in wasiirka maaliyadda ahna Raysalwaasaare kuxigeenka dawladda uu markaan caashaqey in uu ka wardoono jagada Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka.
Warkan oo aan ka helney xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo qado sharaf la qaatey wasiirka kuwaas oo ka gaabsadey in aan magacooda soo xigano ayaa sheegay in Shariif Xassan uu wado qorshe lagu maja xaabinayo dhamaan raga magaca leh ee aan ahayn garabkii Asmara.
Qorshaha kowaad ee Shariifka ayaa ilaha aan warka ka helney sheegeen in uu yahay in marka hore laga takhaluso Shiikh Adan Madoobe iyo dhamaan guddoonka baarlamaanka.
Wasiirka Maaliyadda ayaa doonaya in guddonka Baarlamaanka uu noqdo xubin ka soo jeeda Puntland kaas oo ka tirsanaa garabkii Asmara, waxaana uu markaas doonayaa in mooshin baarlamaanka la geeyo xukuumadda kalsoonida loogala laabanayo.
Haddii qorshahan uu meelmar u noqdo Wasiirka ayaa kalsooni buuxda ka haysta Madaxweynaha in uu u magacaabo Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka.
Inkasta oo xubnaha Baarlamaanka ee aan ahayn garabkii Asamara ay qaybsan yihiin laakiin badankood ayaa qorshahan ka horyimid.
Walow ay badankood aysan war u ahayn qofka soo dhisey qorshahan ayey si sharci ah arinta ku abaareen, waxayna shirar ku kala qabteen Nairobi iyo Muqdisho kuwaas oo sheegay meesha in dib u heshiisiin dawladdu ku timid Shiikh Adan Madoobana ahaa ninkii geeyey Jabuuti iyaga, in la yiraahdo Shiikh Adan madoobe meesha halaga saaro ay la mid tahay dawladdu ha bur burto.
Shariif Xassan ayaa ah nin isbedel badan isla markaasna hoosta kasoo falkiya siyaasado isbedel weyn samayn kara, waxaana dhawaan mid kamid ah xildhibaanada Baarlamaanku uu ku eedeeyey in uu yahay nin hogaanka booba oo majaraha la aada meelo kale.
Mashruuca Lacagaha cusub
Shariif Xassan ayaa dhawaan soo saxiixey mashruuc loogu samaynaayo lacago dawladda lacagtaas oo ay ku baxayso adduun dhan 17 malyan oo dollar, waa mashruuc aan la horgeyn golaha wasiirada isla markaasna baarlamaanku aanu ansixin, inkasta oo qof xog-ogaal ah Horseed Media u sheegay in qorshaha ansixinta lacagta dhawaan la horgeyn doono Golaha wasiiaradda. Mawqifka Madaxweynaha
Madaxweynaha Federaalka Shiikh Shariif ayaa markii uu soo baxay qorshaha ah in Guddoonka Baarlamaanku ay sharci daro ku fadhiyaan kursiga ayna tahay in doorasho la sameeyo, waa uu ka aamusey mana soo dhexgelin xildhibaanada isaga oo si fudud u kala saari karay, arinta ayuu sheeda kala socdey bal sida qorshahan looga jawaabo iyo sida uu meelmar u noqdo, kadib markii ay cadaatey in xildhibaanadii aan ahayn ARS ay si weyn uga soo horjeesteen ayuu soo dhexgalay isaga oo arintaas darteed u tegey dalka Kenya maadaama ay halkaas u badan yihiin xildhibaanadii hore.
Waxaana warar hoose sheegayaan in qorshahan dib loogu dhigey inta Dawladdu ka qabsanayso magaalada Muqdisho, qorshahaas oo hadda ay gacanta ku hayaan saraakiisha Dawladda, la taliyaan Maraykan ah iyo ciidanka Amisom.
Qorshahan cusub ee uu la soo baxay Shariif Xassan ayaa noqonaya haddii uu u hirgelo isbedelkii u weynaa ee uu sameeyo, waxaana qorshahan horboodaya Xildhibaan Qanyare oo haddii shariif Xassan Raysalwasaare noqdo hubaal u haysta in wasiir mugleh uu siinaayo, waxaana muuqata in Shariifka iyo Madaxweynuhu aad isugu fahmi karaan hawlahooda, biyadhaca sheekadu waa mid soo bixi doona midda isweydiinta mudan ayaa ah saameynta uu ku yeelan karo qorshaha Shariif Xassan iyo xiriirka gebiga ka laad laada ee u dhexeeya Dawladda Puntland iyo tan dhexe ee Federaalka.
Cumar Siciid Horseed Media Editorial
Ka Dhageyso Halkan Hadaladi Uu Ka Jeediyay Magaalada Kismaayo Gacmadheere (wasiirka Arimaha gudaha) iyo Soo Dhaweynta wafidiga
(26/04/07
Mala gaaleysiin karaa qof muslim ah Dhageyso: Sheekh Max´med Cabdi Umal Oo Naga Jaahil Bixiya Arinkaas Isaga Ah
16/04/07
dhagayso qudbadii Cade Muuse Ee Canshuuraha DFS/ P/land (12/04/07
dhagayso qudbadii geedi uu ujeedieyey ciidamada booliska ee carmo