East Africa University oo heshiis kula sixiixatay Bosaso University Utara Malaysia (UUM)
Waxaa xiriir in mudo ah socday kadib lagu guuleystay in ay heshiis kala sixiixdaan jaamacada Bariga Africa (East Africa University) ee ka howlgasha Puntland iyo Jaamacad ku taala wadanka Malaysia ee la yiraahdo University Utara Malaysia(UUM).
Wafdi aad u balaaran oo ka kooban 4 professors oo Malaysian ah iyo ninkii barnaamijkan ka soo shaqeeyay oo kasoodhameeyay Malaysia oo layiraahdo Eng. Sayid Mohamed Abdule Hassan ayaa asbuucaan dhexdiisa soo gaaray magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Wax yaabaha lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in jaamacada EAST AFRICA UNIVERSITY lagu daro qayb Master Degree ah oo MBA ah oo ay maamulayaan Malaysianku, waxaana gabi ahaanba dhigaya macalimiin Malaysian ah, iyadoona ay shahaadada bixinayso Malaysia.
Waxay kaloo ugu deeqday in ay Jaamacada macalimiinteeda lugu soo tababaro wadanka Malaysia si tayadooda kor loogu qaado.
(Talaado - 26/01/10. Saacada: 01:46)
Ka Dhageyso Halkan Hadaladi Uu Ka Jeediyay Magaalada Kismaayo Gacmadheere (wasiirka Arimaha gudaha) iyo Soo Dhaweynta wafidiga
(26/04/07
Mala gaaleysiin karaa qof muslim ah Dhageyso: Sheekh Max´med Cabdi Umal Oo Naga Jaahil Bixiya Arinkaas Isaga Ah
16/04/07
dhagayso qudbadii Cade Muuse Ee Canshuuraha DFS/ P/land (12/04/07
dhagayso qudbadii geedi uu ujeedieyey ciidamada booliska ee carmo