Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo AMISOM Muddada u Kordhisay
Xubnaha golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in ciidamada AMISOM ay dalka Somalia sii joogaan ilaa 31/01/2011
Xubnuhu waxay sidoo kale isku raaceen in ciidamada AMISOM tiradooda la gaarsiiyo 8 kun oo askari sida ugu dhaqsiyaha badan. Qoraal ay soo saareen xubnaha golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayay ku sheegeen in ciidamada AMISOM ay sii wadaan taageerada ay siinayaan xukuumadda dowlada KMG iyo in la mideeyo ciidamada dowlada Somalia ee tababarada dibeda ku soo dhamaystay.
Bishan horaanteedii ayaa dowladaha midowga Africa waxay isku raaceen in muddo lix bilood ah loogu daro xilliga ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan.
Xukuumadda Somalia ayaa waxaa weeraro joogta ah ku hayo kooxo mucaarad ah oo diidan joogitaanka ciidamada AMISOM oo iyagu dowlada Somalia ka bad-baadiyay dagaallo bishii May ee sanadkii hore 2009-kii ay soo qaadeen kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul-Islam.