Dowladda Djibouti ayaa 450 askari ku biirineysa ciidanka nabad-ilaalinta AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Djibouti, Maxamud Cali Yusuf, ayaa isagoo ku sugan madasha Midowga Africa ee ka soconeysa Addis Ababa, wuxuu REUTERS u sheegay in Djibouti ay waddo tababarkii ugu dambeeyey ee ay ciidankaas ugu direysay dalka Somalia.
Laakiin masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Djibouti, oo ay VOA-du la xiriirtay, ayaa isku raacay in Djibouti ay kal hore mabda’a ahaan aqbashay inay ciidamo u dirto Somalia, balse ineysan iyagu ka warheyn qorshe kama dambeys ah, oo ciidankaas loogu dirayo Somalia muddo dhow.
Djibouti waxay kamid tahay dalalka aad ugu dhow DKMG ah ee Somalia, waxayna sanad kahor marti-galisay shirweynihii lagu soo dhisay dowladda Somalia.
QARANKANEWS DESK
Ka Dhageyso Halkan Hadaladi Uu Ka Jeediyay Magaalada Kismaayo Gacmadheere (wasiirka Arimaha gudaha) iyo Soo Dhaweynta wafidiga
(26/04/07
Mala gaaleysiin karaa qof muslim ah Dhageyso: Sheekh Max´med Cabdi Umal Oo Naga Jaahil Bixiya Arinkaas Isaga Ah
16/04/07
dhagayso qudbadii Cade Muuse Ee Canshuuraha DFS/ P/land (12/04/07
dhagayso qudbadii geedi uu ujeedieyey ciidamada booliska ee carmo