Arday Puntland ka timid oo Suudaan soo dhaweyn loogu sameeyay
weynaha ardayda puntland ee dalka suudaan ayaa shalay galabnimadii ku qabtay xaflad uu ku soo dhaweynaayay ardayda cusub ee ka soo jeedda gobolka puntland.
Xafladaani oo ka dhacday howlka weyn ee al-ribaad al-wadani ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxa ardayda soomaalida wax ka barata dalka suudaan iyo mas’uuliyiinta ururada soomaaliyeed ee ka jira dalka suudaan iyo qaar ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed.
Xafladaani oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa lagu furfurtay aayado qur’aanka kariimka ah, waxaana aqriyay c/llaahi c/qaadir , kaddibna xoghayaha guud ee urur weynaha puntland ayaa ka soo jeediyay halkaasi kalimad soo dhaweyn ah.
Kaddibna waxaa si rasmi ah u bilaabmay barnaamijyadii kala duwanaa ee loogu tala galay xafladda.
Ugu horreyn waxaa halkaasi ka hadlay guduumiyaha ururka ardayda soomaaliyeed ee dalka suudaan mudane axmed cabdi fure, isagoo u jeediyay ardayda reer puntland iyo guud ahaan ardayda soomaaliyeed hambalyo, isla markaanna ku soo dhaweeyay dalka suudaan arday cusub ee ka soo jeedda maamulka puntland iyo guud ahaan ardayda soomaaliyeed .
Wuxuuna kula dardaaramay iney xaqiijiyaan ujeedooyinkii ay uyimaadeen halkaani.
Xafladdaani oo lagu soo bandhigay heeso ka tarjamaya wadaniyadda, waxbarashada iyo arrimaha jaceyka ..
Waxaa sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed, waxaana soo bandhigay kooxda danab oo ka mid ah kooxaha daneeya dhaqanka soomaaliyeed.
Dhanka kale waxaa xafladdaasi ka hadlay axmed dhaashane oo ku hadlay magaca ardayda cusub ee reer puntland.
Axmed ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin sida quruxsoon ee loogu soo dhaweeyay dalka suudaan , wuxuuna kula dardaaramay ardayda cusub ee la midka ah iney ku daydaan ardaykii ka horeysay, ayna ka faa ideystaan waqtigooga qaaliga ah.
Mudane muuse ayaa ugu horreyn u mahad caliyay dhammaan ka soo qeyb galayaasha xafladda.
Wuxuuna ku booriyay dhammaanba ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata dalka suudaan in ay ka faa ideystaan fursadda waxbarashada ay heystaan , taasi oo eysan helin arday fara badan oo soomaali ah , ayna ka fikiraan sidii dalka soomaaliya ay kaga saari lahaayeen dhibaatada uu ku jiro.
waraiye Fiidow Maxamuud Fiidow Khartoum Sudan
Ka Dhageyso Halkan Hadaladi Uu Ka Jeediyay Magaalada Kismaayo Gacmadheere (wasiirka Arimaha gudaha) iyo Soo Dhaweynta wafidiga
(26/04/07
Mala gaaleysiin karaa qof muslim ah Dhageyso: Sheekh Max´med Cabdi Umal Oo Naga Jaahil Bixiya Arinkaas Isaga Ah
16/04/07
dhagayso qudbadii Cade Muuse Ee Canshuuraha DFS/ P/land (12/04/07
dhagayso qudbadii geedi uu ujeedieyey ciidamada booliska ee carmo