BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA

Aminarts.com
Allkhayraad.com
Allsomali.com
Aflax
Allidamaale.com
Altaqwaa.com
Etntvboosaaso
sbclive.comNew
baraawepost.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dailypuntland.com
dalkanews.com
Dhahar.com
universaltv
Radiofreesomalia.com
Qardhomedia
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
karkaarnews.comNew
juurile.comNew
Qandala.com
Sscayn.com
Somalia Online
somalifans.net
Somaali.com
Somalitalk
Soomaalidamaanta.com
Somaliweyn
xogta.com
Onkod.net
Widhwidh.com
Waayaha.net
WardheerNews
waagacusub.com
Benadir Islam
Qaamuus.net
Xornimo
Addacwah.com
Halgan.net
Aflax.net
Altaqwaa.com
Boqolsoon
Khalid Mosque
Islamonline
Learn about Islam
Hanuun
Risaala
Quran
Waano.net
Masjid Abubakar
 
Xil Wareejin ka dhacday Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland

Waxaa maanta munaasabad ka dhacday Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah xilka si rasmi ah loogu wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradaasi Daa’uud Maxamed Cumar, xafladan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.


Xafladan oo saaka ka dhacday Xarunta Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa waxaa sidoo kale ku sugneyd Wasiir kuxigeenka xilka wareejineysay Wasaarada Qorsheynta Marwo Saynab Ugaas Yassin, hase yeeshee waxaa madasha ka maqnaa Wasiirkii xilka Wareejin lahaa ee Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Faarax Aadan Dhalac.


Munaasabadan waxaa warbixin ka jeediyey Kusiimaha Agaasimaha Wasaarada Maxamed Cali Ismaaciil oo ka hadlay waxqabadka wasaarada asagoo markaasi dhamaan warbixintii Wasaarada iyo hantideeda qoraal ah u dhiibay Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole oo halkaasi ku sugnaa.


Waxaa ayaduna halkaasi xilka ku wareejisay Marwo Saynab Ugaas Yaasiin, oo horey u ahaan jirtay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, ayadoo maanta xilkaasi wareejisay.


Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo madashaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay mas’uuliyiinta Wasaarada ee horey hawsha usoo waday asagoo markaasina kala dar daarmay xubnaha cusub ee xilka loo magacaabay in ay hawshooda si haboon u gutaan.


Wasiirka cusub ee Wasaarada Qorsheynta Xiriirka Caalamiga Daa’uud Maxamed Cumar oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay xubnihii ka horeeyey asagoo sheegay inuu ku dadaali doono in wax badan ka qabto Wasaarada oo kamid ah Wasaaradaha ugu muhiimsan ee Xukuumada Puntland.


Dhanka kale Wasiirkii hore ee Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Faarax Aadan Dhalac ayaa maanta diiday inuu kasoo qeyb galo Xafladii xil wareejinta, sida ay Horseed Media u sheegeen xubno kamid ah Wasaarada, waxayna intaasi ku dareen in Wasiirka uusan maanta keenin gaarigii Wasaarada lahayd oo kamid ahayd hantidii wasaarada ee la wareejin lahaa.


Kadib kulankan Xilwareejinta ah ayaa la sheegay in Wasiirkii hore Farax Dhalac  ay gurigiisa gaareen ciidamada amniga kuwaasi oo u kaxeeyey Mr.Dhalac Saldhiga Garowe, halkaasi oo laga soo siidayay kadib markii ay damiinteen odayaal dhaqameed. Illaa iyo hada arrintan xariga Wasiirkii hore macada inay salka ku heyso Arrinta la xariirta Gaarigii Wasiirka ee maqan oo aan illaa iyo hada la aqoon meeshuu ku danbeeyey, gaarigaasi ayaa ah mid Qaramada Midoobay ugu deeqday wasaarada iyo diidmadiisa ka qeyb gelida Munaasabada xilwareejinta. Xukuumada Puntland ayaa ka gaabsatay inay wax war rasmi ah xiligan kasoo saarto arrinta ku aadan Wasiirkii hore ee Faarax Aadan Dhalac.


Inta badan Shaqaalaha Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa maanta kasoo xaadiray munaasabadii xil Wareejinta oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo badan.


C/risaaq Shiino



Ka Dhageyso Halkan Hadaladi Uu Ka Jeediyay Magaalada Kismaayo Gacmadheere (wasiirka Arimaha gudaha) iyo Soo Dhaweynta wafidiga (26/04/07
Mala gaaleysiin karaa qof muslim ah Dhageyso: Sheekh Max´med Cabdi Umal Oo Naga Jaahil Bixiya Arinkaas Isaga Ah 16/04/07
dhagayso qudbadii Cade Muuse Ee Canshuuraha DFS/ P/land (12/04/07
dhagayso qudbadii geedi uu ujeedieyey ciidamada booliska ee carmo
Wareysi Xasaasi Ah Oo Uu Jeediyay Wasiirr K/xigeenka G/Dhigga Salaad Cali Jeelle
©  Qarankanews.com    .   webmaster@qarankanews.com          All Rights Reserved